Bogga Bilawga

Kusoo dhawoow mashruuca rätt på riktigt!

Ardayda qabto naafooyin waxay xaq u leeyihiin iskool in uu u shaqeeyo.

Boggan waxaad ka helaysaa warbixinno ku saabsan xuquuqda ardayga ee ku habboonaanta. Boggan internetka waxaa soo saaray ururka Malmö mot Diskriminering mashruuciisa rätt på riktigt oo ay taageero ka heleen Allmänna Arvsfonden.

Qaybtan waxaa ku jira qaybo warbixinnada ugu muhiimsan ee ku socda daryeel hayaha kuna qoran luqadda iswiidhishka oo fudud, carabi, daari, Ingiriis iyo af-soomaali.

Warbixinnada ku qoran boggan internet-ka waxaa uu u qaybsan yahay mawduucyo kala duwan. Intooda badan waxa jira filimo gaagaaban.
Riix si aad ugu daawato filimmada luqadda aad doonayso.

Qaybtan waxay leedahay sideed mawduucyo:

Dhammaan siyaabo kala duwan ayay ushaqeeyaan
xaquuqaha ardayga
Wadahadalka iskoolka
Tilmaan Hey’ad dawli
Yaa leh mas’uuliyadda?
Dacwo-gudbin takoorid
Ka maqnaan iskool
Caafimaadka daryeel hayaha

Sidoo kale bogga internetka waxaa ku jira qayb faahfaahin ah oo halkaas ay ku jiraan tixraacyo racfaan, dhamaan kiisaka maxkamadeed ee iswidhishka ee khuseeya helitaan la’aanta ka jirta iskoolka iyo weliba boloog (blogg) ama qayb ay daryeel haye uu kaga hadlayo. Qaybtan waxay ku qoran tahay iswiidhish kaliya.

Qof walbo si kala duwan ayuu u shaqeeyaa

Jidhkeenna iyo maskaxdeenna si kale duwan ayay u shaqeeyaan. Mararka qaar waa ay na xadiddaan oo ay nagu abuuraan culaysyo.

Ereyga naafo ayaa qeexaya middaas. Waa erey loo isticmaalo sharciga takoorista.

Waa maxay naafo?

Sharciga waxa ku qoran in naafada ay tahay “ dhimmanaansho awoodda shakhsiga ah oo joogta ah”

Ardayga uma baahna in uu helo calaamadaha sugan ee cudur si loogu arko inuu qabo naafo.

Mana jiraan wax shuruud ah oo ku xiran inta ay ahaanayso khatarta dhimmanaanshaha.

Midda muhiimka ah waa inay jirto muddo dheer iyo in ay tahay “joogto”

Labo tusaale:

  • Arday ka jabay lugta ma qabo naafo maadaama lugtu ay bogsanayso.
  • Arday qaba maqal yari waxa uu qabaa naafo maadaama maqal yarida aysan ka baxaynin.

Halkan waxaad ka helaysaa tusaalooyin ku saabsan naafooyinka. Dabcan waxa jira in ka badan inta aan halkan kusoo qornay. Guji mid ka mid ah si aad u hesho warbixin dheeraad ah.

ADHD

Qofka qaba ADHD waxaa inta badan ku adag inuu xasil u fadhiyo iyo in uu foojignaantiisa haysto. In uu qorsheeyo iyo inuu xakameeyo dareenka degdegga ah iyaduna waa wax ku adag. In badan ka akhri Riksförbundet Attention.

ADD

Qofka qaba ADD waa sida qofka qaba ADHD oo ay ku adag tahay qorshaynta, laakiin aan aad u firficoonayn. Qofka qaba ADD waxa ku adag in uu wax bilaabo. In badan ka akhri Hjärnfonden.

Xasaasiyad

Qof sida tusaale ahaan qaba xasaasiyadda cuntada sida dulqaad la’aanta gluten-ka ama xasaasiyadda faxalka. In badan ka akhri Astma- och allergiförbundet.

Autism

Qofka qaba Autism-ka inta badan wuxuu qabaa u nuglaansho dheeraada oo dareemada ah. Qofkan waxa sidoo kale uu qabaa caqabado la xiriirista dadka kale iyo waxa sidoo kale ku adag fahamka luqadda iyo xiriirka. In badan ka akhri Autism Sverige.

Calaamadaha sugan ee laba cirifoodka

Qof leh xilliyo uu tamar badan leeyahay iyo xilliyo uu murugaysan yahay uuna niyad jabsanyahay. In badan ka akhri Maskrosbarn.

Dhaawaca-CP

Qof inta badan leh kaduudyo iyo tognaansho jirka ah taas oo saamayn ku yeelan karta hadalka iyo awoodda dhaqdhaqaaqa. CP waxa ay u taagan tahay cerebral pares. In badan ka akhri CP-Sverige.

Downs syndrom

Qofka qaba Downs syndrom waxa uu unugyadiisa ku leeyahay koromosoomyo dheeri ah. Waxa ay saamaynaysaa jirka iyo maskaxda labadaba. In badan ka akhri Svenska Downföreningen

Disleksii/dyslexi

Qof ay ku adag tahay inuu fahmo xarfaha ay ka kooban yihiin erey. In badan ka akhri Dyslexiförbundet.

Diskalkelii/dyskalkyli

Qof ay aad ugu adag tahay aasaaska xisaabta – iskudar, kalagoyn iyo isku dhufasho. Akhri in badan oo ku saabsan dyskalkyli.

Dhagoolnimo

Qof aan lahayn fursadda uu fahmo hadalka lagu hadlo. Ardayda dhagoolaha ah waxa ay xaq u leeyihiin in casharka loogu dhigo hadalka tilmaamaha oo iswidhish ah. In badan ka akhri Specialpedagogiska skolmyndigheten och hos Sveriges Dövas Ungdomsförbund.

Naafooyin badan

Qof qaba naafooyin dhowr ah iyo mid kamid ah kuwaasna ay tahay naafada garadka. In badan ka akhri Föreningen JAG.

Maqal yari

Qof ay ku adag tahay inuu fahmo waxa dadka kale ay sheegayaan, codka waxa uu noqonayaa laciif, waxa uu noqonayaa mid aan fasiix ahayn ama ay ku adag tahay in uu codadka kala saaro. In badan ka akhri Hörselskadades Riksförbund

Naafada garaadka

Qof ay ku adag tahay inuu fahmo oo u baahan waqti dheer si uu wax u barto iyo si uu u xasuusto. In badan ka akhri Riksförbundet FUB.

Dhibaatada qorista iyo akhriska

Qof qaba faham yari liidata oo luqadda ah oo dhib ku qaba akhrinta iyo qoraalka (Disleksi waa nooc kamida dhibaatada qorista iyo akhrinta laakiin waxa jira kuwa kale oo dhowr ah). In badan ka akhri Specialpedagogiska skolmyndigheten

Lafa xanuun

Qof leh kalaggoysyo bararsan oo xanuunaya saamaynayana awoodda dhaqdhaqaaqa. In badan ka akhri Unga Reumatiker.

Naafada dhaqdhaqaaqa

Qof dhib ku qaba inuu dhaqdhaqaajiyo qayb kamid ah jirka, tusaale in uu socdo, kor wax u hayo ama uqaado ama jirka kor uhayn kara. In badan ka akhri Förbundet Unga Rörelsehindrade.

Khalkhalka luqadda

Qof ay ku adag tahay inuu fahmo waxa ay dadka kale sheegayaan, in uu isagu hadlo si dadka kale ay u fahmaan ama labada qayboodba. In badan ka akhri Unga med Språkstörning.

Dhaawaca aragga

Qof arka wax aad u yar oo ay ku adag tahay inuu akhriyo qoraal caadi ah ama jihada helo isaga oo kaashanayo aragga. In badan ka akhri Unga med synnedsättning iyo Synskadades Riksförbund.

Tourettes syndrom

Qof ay ku dhacayso wax loogu yeero tics, dhaqdhaqaaq ama cod soo noqnoqdo oo aan la xakamayn karin. In badan ka akhri Riksförbundet Attention.

Waswaaska khasban

Qof ay ku dhacayaan fikrado khasbaya oo sida tusaale ahaan in isaga ama qof u dhaw uu dhib soo gaarayo. Fikradahaas waxay waqti badan ka qaadaan qofka oo ay ku keenaan wax ka qabasho khasaba sida in uu marar badan albaabka xiro ama gacmaha uu dhaqdo. In badan ka akhri OCD-förbundet.

Xaquuqaha ardayga

Carruurta dhamaaan waxay xaq u leeyihiin waxbarasho. Sidoo kale waxay khusaysaa carruurta qaba naafada. Marka iskoolka helitaan li’i ka jirto khuseyso ardayda qaba naafo waa qaab takoorid ah, oo la yiraahdo helid la’aan.

Iskoolka waxaa uu leeyahay mas’uuliyadda inuu sameeyo ku habboonaan si ardayda naafada uga qayb galaan waxbarashada. Waxaa jira dhowr nooc oo habboonaan ah:

  • In waxbaridda la habboonaysiiyo

Tusaale ahaan in lagu habboonaysiiyo heerka adkaanshaha cashirada iyo in ardayga laga caawiyo bilaabista iyo dhammaynta cashir.

  • In qolalka iskoolka la habboonaysiiyo

Tusaale ahaan dhigid sagxad ama rakibid wiish.

  • In iskoolka ka taageero la macaamilka bulsho

Tusaale ahaan in iskoolka uu shaqaalaysiiyo waardiye xilliga nasashada si ardayga uu ugu dareemo bey’ada iskoolka oo u awoodo inuu la joogo ardayda kale.

Cagajugleyn iyo xadgudubyada

Ardayga qaba naafo waxa haysan kara caqabado badan oo la xiriira iskoolka

Nasiib daro in badan waxay la tahay in loo gaysto dhibaatooyin iyo cagajugleyn la xiriirta

Naafadooda. Marka ay dhacdo waxaa iskoolka ku waajiba inuu sameeyo baaritaan oo uu qaado wax ka qabasho si dhibaataynta ay u joogsato.

Isku dubbarridida hawlo kala duwan

Ardayda qaba naafo waxay inta badan u baahan yihiin inay la xiriiraan meelo shaqo badan oo kala duwan.

Tusaale ahaan daryeelka caafimaadka, baxnaaninta iyo hay’adda adeegga bulshada. Si ay taageerada carruur sida oogu wanaagsan  ooguna habboon ugu shaqayso waxaa loo baahanyahay in ay hay’ado kala duwan wada shaqeeyaan. Sidan aya lagu heshiin karaa

Qaab lagu magacaabo kulanka-SIP (Isku dubbarridid qorshaha Gaarka). Warbixin dheeraada oo ku saabsan SIP waxad ka helaysaa Faahfaahinta daryeelka caafimaad

Sidoo kale waxa iskoolka laga soo shaqeeyay qaab wada shaqayn oo qabsoomaysa xilli hore,

Wax lagu magacaabo TSI (Xiliga hore iyo dadaalada isku dubaridka carruurta iyo dhallinta). Warbixin dheeraada oo ku saabsan TSI waxad ka helaysaa Faahfaahinta daryeelka caafimaad

Sidee ayuu iskoolka uga shaqeyn karaa ku habboonaan dheeri ah iyo taageero khaasa?

Inta badan suuraggal maaha in arday loo dalbo ku habboonaan gaara ama xal cayiman. Laakiin iskoolka waxa uu siin doonaa ardayga taageero si looga hortago caqabadaha naafada intii suuraggal ah. Waxay khusaysaa iyada oo aan loo eegeyn in ilmuhu gaaray heerkii aqoonta iyo in kale. In ardayga uu gaaray baasid sabab uma noqon karto in iskoolka u diido ardayga qalab kaalmo iyo taageero.

Haddii uu jiro cabsi ah in arday uusan gaaraynin hiigsiga aqooneed ee iskoolka, markaa waa in iskoolka uu si dhaqsa ah wax uga qabto iyada oo la dejinayo wax loogu yeero ku habboonaan dheeri ah. Tani waa ku habboonaan yar oo si sahlan lagu fulin karo inta uu casharada caadiga socdo, tusaale ahaan

  • In ardayga lagu kaalmeeyo in uu bilaabo leyligiisa
  • In macallinka uu si cad oo dheeraada ugu sheego marka uu u sheegayo waxa uu samayn doono
  • In ardayga uu isticmaalo qalabka kaalmada qaarkood ama
  • In Ardayga uu kaalmo ka helo baraha khaaska ah ee iskoolka.

Haddii uu weli ardayga sii qabo dhibaatada waa in uu helaa taageerada khaaska. Iskoolka waa khasab in uu baaro haddii ilmaha u baahan yahay taageero khaasa marka:

  • Iskoolka uu ka welwelsan yahay in ardayga uusan gaaraynin hiigsiga aqoonta, iyada oo ku habboonaan dheeraada la siiyey.
  • Inuu ardayga ku dhex muujinayo iskoolka dhibaatooyin kale oo aan wax shaqo ah ku lahayn shuruudaha aqoonta.
  • Ardayga nafsaddiisa ama daryeel hayaha uu ka welwelayo in ardayga uusan gaaraynin hiigsiga aqoonta

Xeerarka ku saabsan ku habboonaanta dheeriga ah iyo taageerada khaaska waxa laga helayaa cut. 3 ee sharciga iskoolka.

Maxay tahay inuu ka koobnaado baaritaan taageero khaasa?

Iskoolka waa inuu sameeyaa baaritaanka oo ay ardayga iyo daryeel hayaha qayb ka ahaadaan.  Daryeel haye ma dhihi karo maya baaritaan ku saabsan taageero khaasa, laakiin waa inuu daryeel hayaha uu siiyaa iskoolka inuu ardayga ku sameeyo baaritaan caafimaad ama dhimir. Baaritaanka waa in uu ka koobnaadaa warbixin guud ee xaaladda iskoolka ee ardayga.

Natiijada baaritaan ku saabsan taageero khaasa

Iskoolka waa khasab in uu ku qoraa barnaamijka wax ka qabashada nooca taageerada khaasa ee uu siinayo iyo in taageerada si toos ah loo bilaabo. Maamulaha iskoolka ayaa gaaraya go’aanka ku saabsan barnaamijka wax ka qabashada waana inay ku qoran tahay nooca taageero ee uu ardayga u baahan yahay si uu ku gaaro shuruudda aqoonta.

Hadii uu qofku ku qanacsaneyn go’aan ku saabsan taageero khaasa markaas waxa uu xaq u leeyahay in uu racfaan ka qaato barnaamijka wax ka qabashada. Xafiiska ka hortagga takooridda waxa uu kusiin karaa talo iyo taageero sidii aad racfaan uga qaadan laheyd: xogaha xiriir ee xafiiska ka hortaga takooridda.

Wadahadalka iskoolka

Iyada oo loo marayo wadahadal lala yeesho iskoolka waxa jiraysa fursad in ilmaha loo abuuro xaalad iskool oo wanaagsan. Iskoolka ayaa qaadayo mas’uuliyadda xaqa waxbarasho ee ilmaha iyo wadashaqayn hagaagsan oo lala yeesho daryeelhayaha labadaba.

Wadahadalka lala yeesho iskoolka waa inuu ku saabsanaado kana duulo maslaxadda ilmaha, sida waafaqsan heshiiska caalamiga ah ee carruurta qodobkiisa saddexaad waxaa ku qoran. “ Dhammaan wax ka qabad kasta ee khuseeya ilmaha waa in midka qiimaynayaa uu ilaaliyaa maslaxadda ilmaha”.

Kulanka kahor

Kulan kahor waa wanaagsan tahay in aad sii qorto waxa aad rabtid inaad ka hadasho iyo in aad qorto tusaalooyinka la taaban karo waxyaalaha dhibka ah ama aan ilmaha iskoolka sidii la rabay u ahayn.

Ka fikir haddii aad adigu u baahan tahay turjumaan. Hay’adaha dawliga ah waxa ay isticmaali doonaan turjumaan marka ay la kulmayaan qof aan ku hadli karin luqadda Iswiidhishka. Haddii loo baahdo sidoo kale waa in ay turjumaan dukumentiyada la qoray. Waqti fiican kahor kulanka la xiriir iskoolka oo ka dalbo inay kuu ballamiyaan turjumaan.

Samee ajandaha maalinta kulanka kahor oo soo bandhigaya waxa laga hadli doono. Halkan waxa aad ka helaysaa tusmooyin sida loo qoro nidaam kulameed.

  • Qeex su’aasha ugu wayn ee kulanka iyo ujeedada. Maxaa kulanka kasoo bixi doona?
  • Ka bilaw su’aalaha ugu muhiimsan.
  • Waqti qabo nasasho 45 daqiiqo kadib.
  • Sameey dheellitir adiga oo dhexgelinaya qodobada uu iskoolka doonayo inuu adiga kaala hadlo.
  • Isticmaal wareegto marka qodobada nidaam kulameedka laga wadahadlayo. Markaas qofkasta hadalka wuu helayaa.
  • Ku dar qodob la ballan qaadayo oo u baahan waqti.
  • Wadahadalka horay ha usocdo: Su’aalahee looga hadlayaa kulan gaaban? Kuwee looga hadlayaa kulan wayn?
  • Qodob soo gunaanad: Maxaan go’aaminay?
  • Waqti qabo oo go’aami ka qayb galeyaasha kulanka xiga.

Kulanka dhexdiisa

Horey kulanka oogu sii kaxayso qof aad kalsooni ku qabto, tusaale ahaan qaraabo ama saaxiib. Waxay kor u qaadaysaa xasiloonidaada maskaxeed inta kulanka uu socdo. Ku biiri wadashaqayn wanaagsan iskoolka oo u sharrax xaaladaha ama siyaabaha uu ilmahaaga uu u arko dhibaato iskoolka gudihiisa.

Waxa wanaagsan in laga fikiro kulanka intuu socdo:

  • Magacaaw qofka ka warqabaya nidaam kulameedka iyo waqtiga.
  • Iskuulka waydii: “Maxaad doonaysaan in ilmuhu gaaro?” Markaas waxa ay noqonaysaa mid cad haddii aad leedihiin isku hiigsi ilmaha iskool dhigashadiisa.  
  • Isticmaal su’aalo wax cadeeya sida “Hadda maxaad ula jeedaa?” haddii waxa la sheegayo uu kuula muuqdo mid aan cadeyn.
  • Muhiimad saar qodobada muhiimka ah. dib ugu dhig kuwa aan laga gaareyn, kulanka xiga. Ama go’aanso hadii mid kamid a qodobada lagu wada xiriirayo dhanka e-meylka.
  • Diid ka hadalka ku saabsan dhaqaalaha iskoolka. Waa mas’uuliyadda maamulaha iyo maamulkiisa ee ma aha mas’uuliyadda ilmahaaga iyo adiga.
  • Ha ogolaan in iskoolka uu eeda dusha kaa saaro adiga daryeel-hayaha ah ama ilmahaaga. Guud ahaan ilmuhu waxa ay iskoolka aadayaan hadii uu iyagu ku habboon yahay. Malaha si wanaagsan ayaad u dhihi kartaa: “Anigu waxa aan hubinayaa in ilmuhu yimaado iskoolka balse idinku waa inaad hubisaan in ilmuhu jeclaado oo uu sii joogo marka uu halkan joogo. 
  • Soo gunaanad kulanka:

Taageeradee ama ku habboonaan dheeriya ee uu macalinka u qiimeeyey in ilmahaaga u baahan yihiin ama uu xaq u leeyahay.

Maxaan go’aaminay?

Yaa sheegay muxuu sheegay?

Qofkee ka masuul muxuu ka mas’uul yahay?

Sidee yelaynaa waxyaalaha jira ee ka baxsan wixii aan go’aaminay?

Goorma ayaa la dirayaa baratakoolka?

  • Ku heshiiya goorta xiriir la samaynayo.   

Kulanka kadib

Kulanka kadib waxay tahay in la xaqiijiyo in ay dhacaan wixii la go’aamiyay. Halka waa waxa qofku ka fikiri karo:

  • Qor cida aad la hadashay, xogaha kuwa aad u gudbisay iyo waxa aad ku heshiiseen ee ku saabsan dib ula socodsiinta.  
  • Qofka qoray baratakoolka ayaa si fiican u qorayo oo dhowr maalmood gudahood u dirayo dhamaan ka qayb galeyaasha si ay u saxiixaan.
  • Hadii aad ku raacsan tahay waxa ku qoran baratakoolka- e-meylka toosa ugu xaqiiji.
  • Hadii aadan ku raacsanayn, u qor in aadan saxiixeyn baratakoolka. Sharax sida go’aan ama waxyaalaha ku qoran baratakoolka uu uga duwan yahay sidii aad kulanka adigu u fahantay.
  • U dir maamulaha cabasho hadii iskoolka kula kulmeyn adiga.
  • Samee xasuus qor ku saabsan waxa ku dhacaya ilmahaaga iskoolka dhexdiisa illaa laga gaarayo kulanka xiga. Sidaas waxa aad ku helaysaa qoraallo la taaban karo ka hor kulanka la socoshada.
  • Sii billow nidaam kulameedka kulanka la socoshada xilli hore.
  • Hubi in la sameeyo la socosho ballanqaadyada kuwa la fuliyay.

Tilmaan Hay’ad dawli ah

Waa ay adkaan kartaa in la ogaado waxa ay hay’adaha kala duwan iyo howlaha dawliga ay sameeyaan. Boggan waxaa laga helayaa tilmaanta hay’adaha dawliga ee kaa kaalmaynaya marka aad kaalmo iyo taageero ugu baahan tahay ilmahaaga.

Hay’adaha dawliga ah waxa ay isticmaali doonaan turjumaan marka ay la kulmayaan qof aan ku hadli karin luqadda Iswiidhishka. Haddii loo baahdo sidoo kale waa inay turjumaan dukumentiyada la qoray.

Kaalmo ma uga baahan tahay in laguu tilmaamo hay’adaha dawliga ah ee kala duwan, la xiriir mid kamida xafiisyada ka hortagga takooridda.

Iskoolka waa hay’adda dawliga ah ee ugu muhiimsan. Wadahadal lala yeesho iskoolka waxaad ugu samayn kartaa ilmahaaga farqiga ugu wayn.

Iskoolka waxaa uu leeyahay saddex tallaabo silsilad mas’uuliyadeed oo cad: shaqaalaha iskoolka, maamulaha iyo  hay’adda madaxeed. Haddii uu dhib ka dhexjiro iskoolka:

  1. Marka ugu horraysa la hadal macallinka ama shaqaalaha iskoolka.
  2. Hadii aysan ku kaalmeynayn, la hadal maamulaha
  3. Hadii weli aysan wanaagsaneyn, la hadal hay’adda madaxeed.

Iskoollada degmada leedahay degmada ayaa ah maamulka iskoolka. Iskoollada goonida loo leeyahay waa shirkad ama urur. Iskoollada gaarka ah, maamulka iskoolka waxbarashada gaarka ah ayaa maamule ah.

Kormeer:

Wakiilka hay’adad takooridda iyo hay’adda kormeerka iskoolka ayaa xakamaynaya iskoolka. Si kale haddii loo dhaho waxay leeyihiin mas’uuliyadda kormeer si uu iskoolka u raaco sharciyada iyo xeerarka.

Aqoon ku saabsan jiritaanka helitaanka iskoolka 

  • Hay’adda dawliga ee waxbarashada khaaska oo bixisa talo kusaabsan waxbarashada khaaska.
  • Hay’adda waxbarashada ayaa bixisa warbixin guud iuo tilmaamo ku saabsan iskoolka.
  • Hay’addaa dawliga ee ka qayb qaadashada oo bixinaysa talo iyo jihayn ka kaalmaynaya in iskoolka uu noqdo meel aad loo heli karo oo loo dhan yahay.

Daryeel iyo kaalmo waxaa laga codsan karaa:  

  • Qaybta dhimirka ee dhallinta iyo carruurta oo u soo bandhigaysa carruurta iyo dhallinta Daryeel dhanka dhimirka. Sidoo kale waxay qoysaska usoo bandhigaan taageero iyo talo siin si loo fahmo oo loo maareeyo baahida iyo caqabadaha ilmaha.
  • Baxnaaninta waxay siin kartaa carruurta qaba naafada kala duwan taageero gaar ah.
  • Adeegga bulshada waxa uu kaalmaynaya carruurta iyo dhallinta xaalad adag ku jira. Sidoo kale iyaga waxay la shaqeeyaan iskoolka oo ay siinayaan taageero si ilmuhu uu xaafadda wanaag ugu haysto.

Yaa leh mas’uuliyadda?

Waa ay wanaagsan tahay inaad ogtahay cidda aad kala hadlayso iskoolka marka uu jiro dhibaato iyo in isbadal loo baahan yahay. Iskoolka waxa ka dhex jira silsilad mas’uuliyadeed oo cad oo ka bilaabanaysa macallinka kuna dhammaata maamulha guud ee sharci ahaan mas’uul ka ah wixii ka dhex dhaca iskoolka.

Silsilada mas’uuliyadeed ee ka dhex jirta iskoolada Iswiidhan

Maamulka guud ee iskoolka

  • Degmada oo ka mas’uul ah iskoolada degmada
  • Guddiga iskoolka oo ka mas’uul ah iskoolada gooni u taagan
  • Hay’adda iskoolada waxbarashada khaaska oo ka mas’uul ah iskoolada khaaska ah.

mas’uuliyadda maamulka guud waa in uu

  • Hubiyo in iskoolka leeyahay baahiyaha lagama maarmaanka ah
  • Hubiyo in ardayga haysto meelayn boos
  • Iskoolka si joogta ah u wanaajiya
  • Xaqiijiyo in dhammaan ardayda ay leeyihiin fursadda ay ku gaadhayaan yoolka la dajiyay
  • Hubiyo in dhibaatooyinka iyo xadgudubyada la baaro oo wax laga qabto
  • Maamulka guud waxaa mar walba saaran mas’uuliyadda ugu sarraysa dhamaan waxa ka dhacaya iskoolka.

Maamulaha

  • Ka mas’uul yahay tayada iyo natiijada iskoolka
  • Hubiyaa inuu iskoolka yahay bey’ad ammaana
  • Hubiyaa in ardayga uu helayo taageerada lagama maarmaanka ah
  • Inuu ku wargeliyaa maamulka guud marka ay kasoo muuqdaan iskoolka dhibaatooyin iyo xadgudubyo
  • Yahay hogaamiyaha waxbarasho iyo madaxa macallimiinta iyo shaqaalaha kale ee iskoolka.

Macallinka

  • Ka mas’uul yahay qorshaynta iyo hirgalinta baridda
  • Qiimeeyo dadaalka ardayga iyo inuu taageero barashadooda
  • Ka shaqeeyo inuu abuuro bey’ad iskool oo wanaagsan oo ammaana
  • Inuu u dejiyo waxa loogu yeero ku habboonaan dheeraada waxbaridda ardayga baahidaas qaba
  • Sameeyaa wargelinta daryeel haye horumarka ku saabsan ardayga

Daryeel haye

  • Leeyahay mas’uuliyadda guud ee ilmaha
  • Leeyahay mas’uuliyadda inuu hubiyo in ilmuhu si buuxda u qabteen waajibka iskoolka iyo in ilmuhu yimaadaan iskoolka.
  • Carruur waxay si buuxda u qaban karaan waajibka iskoolka dugsiga hoose dhexe, dugsiga hoose dhexe ee gaarka, iskoolka khaaska ama iskoolada same

Cabasho nidaam saxa

Haddii ardayga uusan helaynin taageero sax ah waxaad u baahan tahay inaad uga cabato nidaam saxa

  1. Iskoolka

Ka billaw inaad la hadasho iskoolka. Maamulaha iskoolka ayaa ka mas’uul ah in ardayga helo taageero sax ah.

  1. Maamulka guud

Haddii maamulaha iskoolka uusan dhagaysanayn la xiriir maamulka guud ee iskoolka (fiiri silsilada mas’uuliyadda).

  1. Hay’adda kormeerka

Haddii uusan ku kaalmeynayn in aad la xiriirto maamulka guud, waxa iskoolka la ogeysiin karaa hay’adda kormeerka iskoolka iyo Wakiilka takooridda DO. Hay’adahaas waxay leeyihiin mas’uuliyadda kormeer ee iskoolka iyo inay hubiyaan in iskoolka uu raacayo sharciyada iyo xeerarka.

Ka cabasho go’aan

Haddii aad ka hesho go’aan iskoolka aadan ku qanacsaneyn, markaas racfaan waa laga qaadan karaa. Macnaheedu waa tijaabin maxkamadeed go’aan uu iskoolka gooyey. Tusaalooyin go’aan racfaan laga qaadan karo waa:

  • Go’aan ku saabsan barnaamij wax ka qabad
  • Go’aan ku saabsan ku habboonaan ama waxbarid khaasa
  • Go’aan ku saabsan ku meelayn iskool
  • Go’aan ku saabsan boos iskoolka khaaska ah

Laga billaabo marka aad hesho go’aan waxad haysataa saddex toddobaad inaad racfaan uga qaadatid guddiyada racfaan ee Nidaamka Iskoolka.

Fadlan Kaalmayso xafiiska ka hortaga takooridda si aad u samayso racfaan. Diiwaanka xiriir ee xafiiska ka hortaga takooridda

Dacwo-gudbin Takoorid

Arday qaba naafo oo aan ka helin taageeradii uu xaqa u lahaa iskoolka ayaa loo gaystay takoorid.

Haddii aysan suurtagal ahayn in laga dalbado mas’uuliyadda iskoolka ayada oo wada hadal la adeegsanayo, waxa aad lasoo xiriiri kartaa xafiiska ka hortaga takooridda kaas oo ku siinayo la talin sharci bilaash ah. Sidoo kale waxaad halkaas ka helaysaa jawaabaha su’aalaha la xiriira sharciga takooridda iyo tusmo sida aad adigu horay ugu wadi kartid arinkaada iyo halka aad la xiriirayso.

Sidoo kale waxa jirta hay’ad dowli ah oo lagu magacaabo Diskrimineringsombudsmannen oo ilaalisa in sharciga takooridda looga dhaqmo Iswiidhan gudaheeda. Inta badan magaca waxaa loo soo gaabiyaa DO Adiga waad soo ogeysiin kartaa takoorid Diskrimineringsombudsmannen kaas oo markaas fulin kara kormeer ama ku qasbi kara in la bixiyo magdhow takoorid.

Kahor inta aadan samayn dacwo-gudbin, dulmar diiwaanka hubinta:

  • Dacwo-gudbinta ma khuseeyaa arday qaba naafo?
  • Iskoolka ma ogyahay in ardayga uu qabo naafo?
  • Iskoolka ma samayn ku habboonaan in ku filan?
  • Arrinta ma dhaaftay waqtigii wax ka qabashada?

Waqtiga wax ka qabashada waa taariikhda ugu danbaysa ee wax ka qabashada dhanka sharciga ah. Takoorid waa in lasoo ogeysiiyaa inta aysan dhaafin laba sano. Hadii qofka la takooray uu ka yar yahay 18 sano waxa uu leeyahay waqti dheer. Markaas waxaa uu soo dacwo-gudbinta samayn karaa ilaa sanadka uu buuxinayo 20 sano.

Suuragal maaha in la wado dacwad ku saabsan helitaan la’aan dhacday kahor sanadka 2015. Maadaama xeerarka ku saabsan helitaan la’aanta ka dhexjira iskoolka ay dhaqan galeen markoodii koowaad sanadkaas.

Hadii aad ka shakinsantahay in kiiskaaga uu buuxinayo shuruudaha diiwaanka liiska hubinta, la xiriir xafiiska ka hortaga takooridda. Halkan waxad ka helaysaa xogaha xiriirka.

Hadii la buuxiyay liiska hubinta tallaabada xigta waa in laysku dayaa in la helo caddayn. Iswiidhan kama jiraan wax xaddidaya waxa caddayn loo isticmaali karo maxkamadda. Wey fiicantahay in la diiwaan galiyo in allaalle inta aad awooddo iyo in aad su’aalo ku weydiiso e-mail ama sms si aad caddeymo qoraal ah u hesho. Waa la ogolyahay in laduubo wadahadal uu qofka isagu qayb ka yahay, tusaale ahaan kulan lala yeeshay mas’uulka iskoolka. 

Tusaale caddaynta:

  • Warqadda caddaynta dhakhtarka iyo qoraallada caafimaadka
  • E-mail caddaynaya in iskoolka uu ogaa naafada ama baahida ardayga ee ku habboonaanta.
  • Baaritaanadda iskoolka.
  • Barnaamijka wax ka qabashada.
  • Shahaadada ama qorshaha horumarka shakhsiga (oo lagu magacaabo IUP:yada)
  • Sawirro ama filimmo muujinaya in ku habboonaanta aysan noqon mid ku filan.
  • Baaritaano ama go’aan ay gaartay Hay’ad dowladeed. Tusaale ahaan: Gudiga racfaanka nidaamka dugsiyada, wakiilka takooridda DO, kormeerka dugsiyada ama booliiska.

Kiiska dacwad ee takoorid waxa lagu tijaabin karaa maxkamad dadweyne, loola jeedo maxkamadda darajada koowaad, maxkamadda racfaanka iyo maxkamadda sare.

Kiiska dacwad takoorid sharci ahaan waa ay adag yihiin inta badan, waqti badana ayay qaadataa iyo inay ka dhigan tahay khatar dhaqaale. Hadii aad rabto in arrintaada aad u gudbiso maxkamadda waa inaad qabsataa wakiil sharci, ayada oo la doorbidayo qof waayo aragnimo u leh hab socodka maxkamadda iyo sharciga takooridda.

In takoorid lagu tijaabiyaa maxkamad waxay ka dhigan tahay horumarin hab raac maxkamadeed. Xukun caddayn in takoorid ay dhacday waxay noqon kartaa saxid muhiim u ah qofka loo gaystay. Iswiidhan gudaheeda kiisas aad u yar oo kusaabsan takoorid ayaa ka qabsooma maxkamadaha.

Wixii warbixin dheeraad ah ee ku saabsan arrimaha lagu tijaabin karo maxkamad, magdhowga takoorista iyo kharashaadka hab raaca maxkamadda, la xiriir xafiiska ka hortagga takooridda.  Hadii ay jirto baahi turjumaan, wargeli ka hor kulankaas jira.

Caafimaadka daryeel hayaha

Adiga haysto ilmo leh naafo waxaad wajahaysaa xaalado karkabo dheeri ah kugu keeni kara nolosha. Ka daryeel haye ahaan waxaad u baahan tahay inaad ku hawlanaato iyo samaynta baddalka waxyaalo kala duwan. Inta badan waxa ay ku saabsan tahay in ilmahaaga aysan helin taageeradii iyo kaalmada saxa ahayd tusaale ahaan iskoolka. Waxaas oo dhan iyo welwelka sida uusan caafimaadka ilmahaaga yahay waxay kuu keeni karaan adiga in aadan maskax ahaan aadan fiicnayn.

Caafimaad xumo dhimirka waxa loo qaadan karaa cabbiraad qaabab kala duwan ah. Waxaad dareemaysaa inaad ka xun tahay, daallan tahay, kugu adag tahay inaad foojignaanto, si sahlan wax u dhibsada, hurdo yari kugu kugu kawsato, cabsi kugu dhacdo iyo in badan oo kale. Sidoo kale waxaa aad dareemi kartaa xidhxidhnaasho.

Talooyin sida aad isaga warqabi karto

Iskuday inaad samayso waxyaalaha aad wanaag ku dareemayso Balse waqti kasta ha samayn, waxaad sidoo kale u baahan tahay inaad nasato.

  • Xasuusnaw in dib usoo kabashadu ay tahay howl qabad iyo nasasho labadaba.
  • Isku day in aad nolol maalmeedka hesho nasashooyin gaaban. Ka warqab hurdadaada.
  • Ka joog khamri oo jirkaada u naxariiso.
  • Si fiican u cuntee, waqti yar soo dhaqdhaqaaq maalin walba iyo hubi in aad hawo caafimaad qaadato.
  • Kaalmayso dadka kale.
  • Adigu uma baahnid inaad culays walba qaado ee waxa jirta kaalmo la helo.

Halkan u soo laabo

Haddii aad xanuunsan tahay waxaad lasoo xiriiri kartaa xarunta caafimaadka aasaasiga ama daryeelka caafimaadka shirkadda ee dhanka shaqadaada.

Haddii aad aad u xanuunsan tahay waxaad u baahan tahay inaad wacdid qaybta dhimirka. Haddii ilmahaaga uu la leeyahay daryeelka xiriir waxaad sidoo kale aad waydiin kartaa talo kuwa aad halkaas kula kulmaysid. Qaybta Baxnaaninta waxay inta badan soo bandhigaan wadahadal waalid iyo sidoo kale waxaa sameeya qaybaha kale ee kamid ka ah hay’adaha daryeelka. 

Adiga waxaad xaq u yeelan kartaa turjumaan haddii aadan iswiidhishka ku hadlin. Turjubaanka waajib xog qarin ayuu saaran. Wax kharash ah ma aha xagaaga caawinaada tarjumaan. La xiriir hay’adaha daryeelka kahor booqashadaada si aad u hesho kaalmo luqaddaada ah.

Haddii caafimaad xumidaada ay ku saabsan tahay welwelka caafimaad qabka ilmahaaga waxa jira

BRIS  saf taageero dadka waaweyn ahna luqadda carabiga

SOOMAALI

Warbixin dheeriya iyo isku xiraha xarumaha caafimaadka Sjukvårdens webbplats 1177.se

Ka maqnaan iskool

Daraasado dhawra ah ayaa muujiyeen in ardayda naafada ay leeyihiin ka maqnaan sare oo iskool. 

Tani waxaa lagu magacaabaa dhibaatooyin ka maqnaan iskool. Haba ugu horreysee waxay khusaysaa ardayda qaba naafada dhimirka dareemada.

Naafada ma aha sababta maqnaanshaha keento ee waa ku habboonaan iyo fahan yarida ka timid iskoolka. Mar walba maaha in wax barista ay tahay caqabada ugu weyn. Sidoo kale maqnaan waxa sababi kara in arday uu u arko inay adag tahay xiriirada saaxiibada ama in ardayga loogu gaystay silcin iyo dhibaato iskoolka gudihiisa. 

Haddii arday kusoo celceliyo ama maqnaan dheer, maamulaha iskoolka waxa saaran waajibka inuu si toosa ubaaro. Tani waxay sidoo kale khusaysaa hadii maqnaanta ay tahay mid saxan, si kale hadii loo dhigo hadii uu daryeel hayaha uu wargelin bukaan kasoo gudbiyay ilmaha.

Hadii arday ka maqan yahay iskoolka sabab booqasho daryeel awgeed, uma baahna iskoolka inuu baaro maqnaanshaha. Markaas iskoolka waa uu ogyahay sababta uu ardayga uga maqan yahay. Baaritaanadda maqnaanshaha waxaa loo samaynaya si loo ogaado sababta keenaysa maqnaanshaha iyo in loo helo xal. Baaritaanka waxaa isla samaynaya ardayga, daryeel hayaha iyo kooxda caafimaadka ardayga.

Sidoo kale waa in la sameeyaa baaritaan taageero khaasa hadii maqnaanta ardayga ay ka dhigan tahay inuusan gaareyn hiigsiga aqooneed ama ay jiraan calammada dhibaatooyin kale oo ka dhex jira xaaladaha iskoolka. Haddii ay soo baxdo in ardayga loo gaysto silcin ama dhibaato waa inuu maamulaha iskoolka war geliyaa maamulaha guud.

Daryeel hayaha waxaa saaran mas’uuliyadda inuu hubiyo in ardayga uu si buuxda u sameeyey waajibkiisa iskoolka sida waafaqsan sharciga. Taas macnaheedu waa i nuu wax walba sameeyo si uu u keeno in arday maqan uu u aado iskoolka. Daryeel haye aan sidaas yeelin waxaa ku waajib noqonaya inuu bixiyo ganaax. Laakiin marka arday uu joogo iskoolka, iskoolka ayaa ka mas’uul ah si uu u siiyo ardayga taageerada u baahan yahay.

Shaqaalaha iskoolka waxaa saaran waajibka inay war geliyaan hay’adda adeegga bulshada tuhunka ugu yar ee ku saabsan ilmaha hadduu dhibaato wajahayo, waxaana loogu yeedhaa dacwo-gudbin welwel. Tani way ku cuslaan kartaa arday iyo daryeel hayaha labadaba. Laakiin waxaa ay tahay in la hubiyo in ilmuhu wanaagsan yahay. Doorka adeegga bulshada waa inuu garab galo ilmaha iyo daryeel hayaha labadaba.

War gelinta iskoolka waa inay ahaato mid xaq loo leeyahay ee aan loo isticmaalin handadid. Haddii war gelinta loo sameeyo si ka aargoosi ah waxay keeni kartaa cawaaqib sida waafaqsan sharciga takooridda.

Hay’adda adeegga bulshada waxay baareysa dacwo-gudbinta welwelka iyada oo dhageysanaysa ilmaha, daryeel hayaha iyo iskoolka. Baaritaanka waxaa qayb ka noqon kara dadka kale ee ku hareeraysan ilmaha. Go’aan ku saabsan dadaalo waxaa la qaadanayaa baaritaanka kadib. Dacwo-gudbinta welwel inta badan waa la joojiyaa. Hay’adda adeegga bulshada waxay soo bandhigi kartaa taageero sida waxbarasho waalid iyo taageero wada hadal. Waxaa xitaa suurta gala in dhanka adeegga bulshada laga helo taageero balaaran sida adeeg guri, daryeel guri reer kale ama deegaan taageero haddi ay jirto baahi loo qabo. Sidoo kale hay’adda adeegga bulshada waa hay’ada ku bixisa kaalmada dhaqaale cuntada iyo safarada iskoolka oo si gooniya loogu tala galay inay helaan ardayda leh baahida gaara.

Adeega bulshadu ma iga qaadi karaan ilmahayga?

Adeega bulshada kama qaadayo waalid carruurtiisa sabab la’aan. Waxaa laga faafiyay warar aan run ahayn ee ku saabsan la wareegista carruurta ee hay’adda adeegga bulshada Iswiidhan. La wareegid ilmo waa wax ka qabad aan aad caadi u ahayn oo keliya la sameeyo marka ay ilmuhu aad khatar ugu tahay inuu sii joogo guriga. Tusaale ahaan haddii ilmuhu aysan helayn daryeelka ay u baahan yihiin ama ilmuhu ay is dhaawacayaan. Waxaad warbixin dheeraada oo ku saabsan tan aad ka helaysaa Gudiga Bulshada.

Xiriir

Rätt på riktigt waa mashruuc ay ujedadiisu tahay inuu xoojiyo carruurta iyo dhalinta qaba naafada iyo daryeel hayeyaasha dadaalka ay kula jiraan in la helo iskool diyaar ah.

Boggan internet-ka ee qaran waxaa sameeyay ayaga oo iska kaashadeen xafiisyada ka hortaga takooridda, ururka xuquuqda naafada, ururka guddiyada ardayda iyo dhallinta iyo shabakada waalidiinta. Warbixin ku qoran bogga internet-ka waxa uu khuseeya Iswiidhan gudaheeda iyada oo loo eegin meesha aad degan tahay.

Mashruuca waxaa maal galiyay Allmänna Arvsfonden waxaana iska leh mashruuca Malmö mot Diskriminering.

Malmö mot Diskriminering waa urur iskaa wax u qabso ah oo kamid ah sideed iyo toban xafiisyada ka hortaga takooridda oo si bilaasha u siiya talo siin iyo taageero shakhsiyaadka la kulmay takoorid. Malmö mot Diskriminering waxay ka mid tahay kuwa tirada yar ee wada habraacyada maxkamadeed ee kiisaska takooridda.

Halkan hoose waxaad ka helaysaa xogaha xiriir ee dhammaan xafiisyada ka hortaga takooridda, hay’adaha dawliga ah, degmooyinka, gobollada iyo urrurada daneeya.

La xiriir xafiiska ka hortaga takooridda ee gobolkaada hadii aad qabto su’aalo ama u baahan tahay taageero iyo talo siin:

Wakaaladda ka hortagga takoorka ee (Antidiskrimineringsbyrån) Fyrbodal: www.integrationsforum-adb.se

Wakaaladda ka hortagga takoorka ee (Antidiskrimineringsbyrån) Norra Skåne: www.adbnorraskane.se

Wakaaladda ka hortagga takoorka ee (Antidiskrimineringsbyrån) Norra Skåne: www.adbnorraskane.se

Wakaaladda ka hortagga takoorka ee (Antidiskrimineringsbyrån) Stockholm Syd: www.adb-stockholm.org

Wakaaladda ka hortagga takoorka ee (Antidiskrimineringsbyrån) Sydost: www.adbsydost.se

Wakaaladda ka hortagga takoorka ee (Antidiskrimineringsbyrån)  Uppsala: www.antidiskrimineringuppsala.se

Wakaaladda ka hortagga takoorka ee (Antidiskrimineringsbyrån) Väst: www.adbvast.se

Agera Värmland: www.ageravarmland.se

Wakaaladda ka hortagga takoorka ee Östergötland: www.diskriminering.se

Civil Rights Defenders: www.crd.org/sv/

Wakaaladda takoorka ee Humanitas: www.humanitas.se

Wakaaladda takoorka ee Gävleborg: www.diskriminering.org

Ka hortagga takoorka ee Malmö: www.malmomotdiskriminering.se

Xarunta Xuquuqda ee Dalarna: www.rattighetscentrum.se/dalarna/

Xarunta Xuquuqda ee Halland: www.rattighetscentrumhalland.se

Xarunta Xuquuqda ee Norrbotten: www.rattighetscentrum.se/norrbotten/

Xarunta Xuquuqda ee Västerbotten: www.rattighetscentrumvasterbotten.se

Xarunta Xuquuqda ee Örebro: www.rattighetscenter.se

Leeman kugu xire hay’adaha dawliga, degmooyin, gobollo iyo urrurada daneeya:

Hay’adaha dawliga

Gardoonka carruurta: www.barnombudsmannen.se

Gardoonka carruurta iyo ardayga: www.beo.skolinspektionen.se

Gardoonka takoorka: https://www.do.se

Hay’adda ka qeybqaadashada: www.mfd.se

Hay’adda maamul ee dijitaalka: www.digg.se/webbriktlinjer

Hay’adda helidda warbaahinta: www.mtm.se

Hay’adda kormeeridda iskuullada:  www.skolinspektionen.se

Hay’adda iskuullada: www.skolverket.se

Golaha racfaanka ee arrimaha iskuullada: www.overklagandenamnden.se

Specialpedagogiska skolmyndigheten: www.spsm.se

Maamulka arrimaha bulshada: https://www.socialstyrelsen.se/om-socialtjansten/

Taageero degmeed

Taageeridda dhaqdhaqaada ee Borås: https://www.boras.se/omsorgochstod/funktionsnedsattning.4.3e7e2a4a157cbccb6118dac5.htm

Haddii aad qabto baahiiyo gaar ah Eskilstuna: https://www.eskilstuna.se/landningssidor/for-dig-med-funktionsnedsattning

Xarunta lagala xiriiro baahiyaha gaarka ah ee Stockholm: https://funktionsnedsattning.stockholm/

Baahiyo gaar ah Gävle: https://www.gavle.se/kommunens-service/omsorg-stod/funktionsnedsattning/

Baahiyo gaar ah Göteborg: https://goteborg.se/wps/portal/start/omsorg-och-stod/funktionsnedsattning

Sidaan ayaan ula shaqeynaa baahiyaha gaarka ah iyo helidda ee magaalada Halmstad: https://www.halmstad.se/kommunochpolitik/saarbetarvimed/saarbetarvimedfunktionsrattochtillganglighet.7721.html

Taageeridda lagu siinayo haddii aad tahay qof qaba baahiyo gaar ah ee degmada Haninge: https://www.haninge.se/omsorg-och-stod/stod-till-funktionsnedsatta/

Baahiyo gaar ah Helsingborg: https://helsingborg.se/omsorg-och-stod/funktionsnedsattning/

Baahiyo gaar ah Huddinge: https://www.huddinge.se/stod-och-omsorg/funktionsnedsattning/

Baahiyo gaar ah Jönköping: https://www.rjl.se/Demokrati/politik-moten-och-handlingar/extern-samverkan/Lansradet-for-funktionsnedsattningar/

Baahiyo gaar ah Karlstad: https://karlstad.se/omsorg-och-stod/funktionsnedsattning

Baahiyo gaar ah Linköping: https://www.linkoping.se/omsorg-och-hjalp/funktionsnedsattning/

Baahiyo gaar ah Luleå: https://www.lulea.se/omsorg–stod/funktionsnedsattning.html

Baahiyo gaar ah Lund: https://lund.se/omsorg-och-stod/funktionsnedsattning

Maamulka baahiyaha gaarka ah ee Malmö: www.malmo.se/Om-Malmo-stad/Var-organisation/Forvaltningar/Funktionsstodsforvaltningen.html

Baahiyo gaar ah Nacka:  https://www.nacka.se/omsorg-stod/funktionsnedsattning/

Taageeridda baahiyaha gaarka ah Norrköping: https://norrkoping.se/stod-och-omsorg/stod-vid-funktionsnedsattning

Dalab ku saabsan lahaanshaha baahiyaha gaarka ah ee dhanka jirka ioy maskaxda Solna: https://www.solna.se/omsorg–stod/stod-for-personer-med-fysisk-eller-kognitiv-funktionsnedsattning/ansok-om-stod-vid-fysisk-eller-kognitiv-funktionsnedsattning

Baahiyo gaar ah Sundsvall: https://sundsvall.se/omsorg-och-hjalp/funktionsnedsattning

Taageeridda baahiyaha gaarka ah Södertälje: https://www.sodertalje.se/omsorg-och-socialt-stod/funktionsnedsattning/

Baahiyo gaar ah Uppsala: https://www.uppsala.se/stod-och-omsorg/funktionsnedsattning/

Baahiyo gaar ah Umeå: www.umea.se/omsorgochhjalp/funktionsnedsattning.4.2bd9ced91726ea4d7b4319.html

Baahiyo gaar ah Västerås: https://www.vasteras.se/omsorg-stod-och-hjalp/funktionsnedsattning.html

Baahiyo gaar ah Växjö: https://www.vaxjo.se/sidor/stod-och-omsorg/funktionsnedsattning.html

Baahiyo gaar ah Örebro: https://www.orebro.se/omsorg–stod/funktionsnedsattning.html

Taageero goboleed

Gobolka Blekinge: https://regionblekinge.se

Gobolka Dalarna: https://www.regiondalarna.se

Gobolka Gotland: https://gotland.se

Gobolka Gävleborg: https://www.regiongavleborg.se

Gobolka Västra Götalandsregionen: https://www.vgregion.se

Gobolka Halland: https://www.regionhalland.se

Gobolka Jämtland Härjedalen: https://www.regionjh.se

Gobolka Jönköping: https://www.rjl.se

Gobolka Kalmar: https://regionkalmar.se

Gobolka Kronoborg: https://www.regionkronoberg.se

Gobolka Norrbotten: www.norrbotten.se

Gobolka Skåne: https://www.skane.se

SKED – (Xarunta xirfadda ee gobolka Skåne ee ardayda dhigidda ku adagtahay) Skånes kompetenscentrum för elever med dyslexi och dyskalkyli: https://vard.skane.se/habilitering-och-hjalpmedel/mottagningar/skanes-      kompetenscentrum-for-elever-med-dyslexi-och-dyskalkyli/

Gobolka Stockholm: https://www.regionstockholm.se

Gobolka Sörmland: https://regionsormland.se

Gobolka Uppsala: https://regionuppsala.se

Gobolka Värmland: https://www.regionvarmland.se

Gobolka Västmanland: https://regionvastmanland.se

Gobolka Västernorrland: https://www.rvn.se

Gobolka Västerbotten: https://regionvasterbotten.se

Gobolka Östergötland: https://www.regionostergotland.se

Gobolka Örebro: https://www.regionorebrolan.se

Baxnaaninta: www.1177.se/barn–gravid/vard-och-stod-for-barn/funktionsnedsattning-hos-barn/habilitering/

Ururada

Ururka Asmada iyo xasaasiyadda: www.astmaoallergiforbundet.se

Autism Sverige: www.autism.se

BOUJT – Barn och ungdomsjour på teckenspråk: www.ungasjourer.se/boujt

arnsrättsbyrån: https://barnrattsbyran.se

Delaktighet Handlingskraft Rörelsefrihet: www.dhr.se

Ururka dhibaatada wax dhigidda: www.dyslexi.org

Xarunta dhagoolnimada: www.vard.skane.se/habilitering-och-hjalpmedel/mottagningar/dovmottagning-vuxna-lund/var-personal/

Dadka cuuriyaanimmada xagga caqliga ah qaba (FUB – för personer med intellektuell funktionsnedsättning): www.fub.se

Funktionsrätt Sverige: www.funktionsratt.se

Hörselskadades Riksförbund: www.hrf.se

NKJT – Nationell Kvinnojour och Stöd på Teckenspråk: www.nkjt.se

NUFT – Nätverket Unga för Tillgänglighet: https://www.nuft.se/

Olika men lika – www.olikamenlika.se

Riksförbundet Attention: www.attention.se

Riksförbundet för rörelsehindrade barn och ungdomar: www.rbu.se

SDDF – Skånes Dövas Riksförbund: www.sddf.nu/sddf/om%20oss.html

Sima Folkhögskola: www.simafolkhogskola.se

SKUR – Skåne Dövas Ungdomsråd: www.sduf.se/skur.php

Sveriges Elevråd: www.sverigeselevrad.se

Sveriges Dövas Riksförbund: www.sdr.org

Synskadades Riksförbund: www.srf.nu

Tahrir – för ett språkrättvist samhälle: www.tahrir.se

Shabakad waalid

Elevens Rätt: www.facebook.com/elevensratt/?locale=sv_SE

Internationella Kvinnoföreningen: www.ikf.se

Xaq u lahaansho waxbarasho: www.rattentillutbildning.se

Wadajir: www.facebook.com/wadajirforeningen/